Waa maxay gudniinka dumarku?

Gudniinka dumarka, kintirka iyo faruuryaha gudaha iyo dibedda (laabya) ayaa la gooyaa ama la yareeyaa in weyn ama yar.

Waxaa jira afar nooc oo gudniinka dumarka ah:

Nooca I-aad (goynta kintirka, ama “sunnaha”): Ka saaridda qayb ama gabi ahaanba qaybta kore ee kintirka

Nooca II-aad (jaridda): Ka saaridda qayb ama gabi ahaanba qaybta kore ee kintirka iyo bushimaha gudaha (faruuryaha farjiga)

Nooca III-aad (fircoonaynta ama “gudniinka fircooniga ah”): Furitaanka xubinta taranka ayaa la yareeyay iyadoo la jarayo oo la tolayo bushimaha sare (faruuryaha farjiga). Mararka qaar, laakiin aan ahayn markasta, qaybta kore ee muuqata ee kintirka ayaa sidoo kale laga saaraa.

Nooca IV-aad: Dhammaan habraacyada waxyeellooyinka kale ee ku dhaca xubnaha taranka dumarka, sida daloolinta, mudidda ama gubidda (dab-saaridda) xubnaha taranka.

Nooca gudniinka dumarka ee la sameeyo waxay kuxiran tahay dalka, gobolka iyo kooxda dadka. Mararka qaarkood nooca gudniinku wuu isbeddelaa waqti kadib. Si kasta ha noqotee, dhammaan noocyada gudniinka dumarku waxay leeyihiin cawaaqib xumo xagga caafimaadka gabdhaha iyo haweenka ah waxayna ku xadgudbaan xuquuqda go’aan qaadashada jirka. Taas macnaheedu waa inaad xaq u leedahay inaad go’aansato sidaad ula dhaqmayso jirkaaga iyo sida loola dhaqmayo jirkaaga.

Da’da gabdhaha ee gudniinku aad ayey u kala duwan tahay. Waxa jira bulsho gabdhaha gudda bilaha ugu horreeya noloshooda. Kuwo kale ayaa sameeya gudniinka markay jiraan afar illaa sideed sanno ama xilliga qaan-gaarka.

Gudniinka gabdhaha waxaa sidoo kale loo yaqaan gudniinka fircooniga ah. Waxay xadgudub ku tahay xuquuqda aadanaha waxayna dhaawacaysaa caafimaadka iyo badqabka gabdhaha iyo haweenka. Xuquuqda Aadanahu waxay khusaysaa dadka oo dhan, dhib malahan inay ka yimaadeen Afrika, Australiya, Aasiya, Ameerika ama Yurub, ha ahaadeen rag ama dumar ama ha noqdeen carruur, iyada oo aan loo eegayn waxay aaminsan yihiin iyo inay taajir yihiin iyo inay sabool yihiin. Ereyga “gudniinka” waxaa soo saaray Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) iyo dumarka Afrikaanka ah ee doonaya in la joojiyo gudniinka dumarka. Kooxaha bulshada ee ay qusayso waxay adeegsadaan eray bixintooda.