Waddamadee ayaa gabdhaha lagu gudaa?

Gabdhaha iyo haweenka ka kala yimid bulshooyinka kala duwan ee Afrika, Aasiya, Bariga Dhexe iyo Koonfurta Ameerika waa la gudaa. Iyada oo ku xidhan goobta iyo bulshada, waxaa jira kala duwanaansho – xitaa isla dalka gudihiisa. Kuwaas waxaa ka mid ah tirada gabdhaha iyo haweenka uu saameeyay gudniinka, nooca howlgalka iyo sababaha gudniinka.

Ku noolaanshaha Yurub, Australia, Kanada ama Mareykanka nasiib darro kama ilaaliyaan gabdhaha iyo dumarka gudniinta. In kasta oo gudniinka dumarku aanu dhaqan ka ahayn waddamadan isla markaana uu mamnuuc ka yahay, haddana qoysaska qaarkood ayaa ku dhaqma. Khatarta gudniinka gabdhaha iyo dumarka labadaba waxay ka jirtaa dalka martida loo yahay iyo waddanka ay ka yimaadeen. Tusaale ahaan, gabdhaha ku nool waddamada Yurub waa la gudi karaa inta lagu jiro fasaxa xagaaga marka ay u safrayaan waalidkood waddankii ay ka yimaadeen.

Halkan waxaa ah tirooyin:

Jarmalka waxaa ku dhawaad la guday 70,000 oo haween ah, iyo ilaa 15,000 oo ah gabdhaha da’da ka yar 18 jir, ayaa halis ugu jira.[1] In kabadan 12,000 oo ah haween gudan ayaa ku nool Hesse, halkaas oo ku dhawaad 3,000 oo gabdhood ay halis ugu jiraan.[2]

Qiyaastii 200 milyan oo gabdho iyo haween ah oo adduunka oo dhan ah ayaa la gudaa. Sannad walbo 3 milyan oo gabdho ah ayaa lagu daraa.[3]

Inta badan waddamada Afrika iyo sidoo kale Jarmalka, waa mamnuuc gudniinka dumarka.

Tixraacyo

[1] Wasaaradda Federaalka ee Arrimaha Qoyska ee Muwaadiniinta Waayeelka ah, Haweenka iyo Dhallinyarada (BMFSFJ), 25 Juun 2020

[2] TERRE DES FEMMES, waxaa lagu qiyaasaa tirada kiisaska aan la soo sheegin, illaa Oktoobar 2020

[3] www.who.int/news-room/fact-sheets/detail/female-genital-mutilation