La-tashi caafimaad oo internetka ah ee ku saabsan su'aalahaaga gudniinka fircooniga

Miyuu saamayn kugu yeeshay gudniinka fircooniga ah – xittaa haddii waqti hore dhacay – oo hadda aad qabto su’aalo ama xanuun degdeg ah? Miyaad ka baqaysaa inaad u tagto takhtar mise ma hubtid meesha aad ka heli karto gargaar caafimaad?

Halkan waxa aad ka heli kartaa macluumaad ku saabsan taariikhaha la heli karo iyo habka aad isku diiwaangelin karto la-tashiga internetka bilaashka ah. Habkaan waxaad la hadli kartaa takhtar aqoon u leh arrimaha gudniinka fircooniga ah, waxaana kuu diyaarin karnaa turjumaan kuu turjuma inta uu la-tashiga ka socdo.

Diiwaangelinta:

Fadlan is-diiwaangeli ugu yaraan hal maalin ka hor ballanta aad rabto inaad ka soo qaybgasho, wac 069-447061 ama iimayl ahaan fgm_c.hessen@profamilia.de

Waxa kale oo aanu la-talin siinnaa takhaatiirta iyo xirfadlayaasha ka socda xirfadaha waxbarashada iyo bulshada. Macluumaad dheeraad ah ayaa laga heli karaa boggeena internetka xirfadlayaash.

Taariikhaha: