Sharraxaadda ereyada loo adeegsaday boggan

Waa maxay kintirku?

Kintirku waa qayb ka mid ah xubnaha galmada dheddigga. Cirifku wuxuu ku yaalaa inta u dhaxaysa bushimaha gudaha. Tani waa qaybta muuqata ee kintirka. Jirkaaga dhexdiisa kintirku waa 10 sm dherer ahaan. Kintirku waa xubin aad u xasaasi ah. Qaybta muuqata ee kintirka waa qayb muhiim u ah jirka haween badan si ay u dareemaan farxad.

Waa maxay bushimaha?

Bushimaha waa laalaabka maqaarka kaas oo daboolaya farjiga oo dhan. Waxay difaacaan daloolka xubinta taranka dumarka iyo kintirka. Waxaa jira qayb dibedda ah, bushimaha dhumuca weyn iyo bushimaha dhumuca yar. Waxay u nugul yihiin taabashada. Erayga caafimaad ee bushimaha waa “laabya”.

Waa maxay farjigu?

Farjiga (oo sidoo kale loo yaqaan farjiinka ama jeex af-suuqiga ama, si fadeexad ah, xubin taran) waa xubinta galmada dheddigga ee ku qarsoon dusha iyo hoosta bishumaha, kuwaas oo dhawra oo ilaaliya. Bushimaha guduhu waxay xidhaan afka farjiga iyo furitaanka kaadi mareenka ka sarreeya. Dusha sare ee bushimaha gudaha, kintirka ayaa ku yaal. Dhabarka iridda xubinta taranka waxa ku yaal farjiga, tuubbo ku xirta ilmo galeenka. Aad ayay u kala fidaa, si marka ilmuhu uga soo bixi karo waqtiga dhalashada. Dhiiga caadada iyo dheecaanka farjiga ayaa ka baxa farjiga. Sidaan ugu kala duwanahay dusha sare qofba qof kale, xubnaha galmada ee dibedda (bushimaha dibedda iyo gudaha, kintirka iyo daloolka farjiga) wa ka duwan tahay gabadh ba gabadha kale.

Waa maxay naafayntu?

Naafayntu waa luminta qayb ama gebi ahaanba xubinta jirka bani’aadamka.