Maxay tahay sababta aan gabdhaha loo gudayn?

Gudniinka gabdhaha waa ka caado dalal badan. Caadadu waa qayb ka mid ah dhaqanka bulshada waxaana la isugu gudbiya jiilba kan xiga. Waxaa jira caadooyin wanaagsan, tusaale ahaan sida loogu dabaaldego dhalashada ilmaha, ixtiraamka odayaasha iyo ciidaha diinta. Waxaa jira caado leh cawaaqib xumo, sida gudniinka gabdhaha ama guurka gabdhaha aadka u yaryar/guurka qasabka ah. Maaddaama caadooyinku soo socdeen muddo dheer, la isma weydiiyo. Caadooyinka – xitaa kuwa waxyeellada leh – waa ay sii socdaan, xitaa haddii uusan qofna garanayn sababahooda.

Maanta dadku waxay helaan macluumaad ka badan ta awoowayaashooda. Way fiicantahay in dib loo eego dhaqamadii hore. Dhaqanka iyo caadadu maahan go’aammo. Way baddali karaan oo ay la wareegi karaan dadku waqti kadib. Haddii awoowayaasheen ay heli lahaayeen macluumaad isku mid ah, waxay ogaan lahaayeen in caadooyinka qaarkood ay waxyeello u leeyihiin caafimaadka oo waxay u badan tahay inay joojin lahaayeen ku dhaqankooda. La qabsashada ama ka tagista caadadu macnaheedu maahan ka tegista ama la qabsiga dhaqanka. Tani waa qayb ka mid ah horumarka dabiiciga ah ee aadanaha.

Xusuusnow in jirkaagu adigu aad iska leedahay oo qofna uusan ku dhibaatayn doonin.

Diinta uma baahna ama kuma talinayso gudniinka gabdhaha! Waa dhaqan ka da ‘weyn diin kasta. Waa dhaqan waxyeello leh isla markaana aad khatar ugu ah caafimaadka gabdhaha iyo haweenka.